Maxkamad ku taalla dalka Czech Republic oo laashay Dacwad Takoor oo ay u gubisay Ardayad Somali ah.

Maxkamaddaasi oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Prague waxay shalay gaashaanka ku dhufatay dacwad ay soo gudbisay Gabar Somali ah oo lagu magacaabo Ayaan Jamaal Axmed Nuur, taasi oo sheegtay in loo diiday inay Xijaab ku dhigato Dugsi lagu barto Kalkaalisinimadda (Nursiung School).

Kiiskan ayaa ah kii ugu horreysay oo ay Dowlad ka tirsan Midowga Europe ku diidaan dacwad la xiriirta fauuq dhinaca Diinta.

Ayaan Jamaal Axmed Nuur oo sannadkii 2011-kii magangelyo Qaxootinimo ka heshay dalka Czech Republic ma aysan joogin dhegeysiga Go’aan-ka-gaarista dacwadeeda.

Qareenkeeda waxa uu doonayey Raalli-gelin iyo magdhow laga siiyo Khaasaaraha maaliyadda  oo dhamayd 2,350 Dollars, taasi oo ah Takoorka loo geystay gabadha dhibanaha ah.

Dhinaca kale,  Maamulaha Dugsiga ay dhigan jirtey Ardayadda Ayaan Jamaal Axmed Nuur ayaa ku dooday inaysan Ardayadaasi marnaba  iska diuiwaan gelinin Dugsigooda.

Dalka Czech Republic waxaa ku nool Mujtamac Muslimiin laga tiro badan yahay, kuwaasi oo tiradoodu u dhexeyso 10,000 ilaa 20.000 00 qof. Dalkaasina kama jiro Sharci muujinaya Labiska Diimaha.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media