Maxkamad Ku Taala Koonfur Afrika oo La soo taagi Doono Nin Soomaali ah

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee Maxkamada La soo taagi doono ayaa lagu xeray Magaaladda Soweto Ee Dalka Koonfur Afrika kadib markii lagu qabtay Hub iyo Rasaas Sharci darro ah sida ay sheegeen Booliska Johannesburg.

Booliska ayaa ka soo xeray Ninkan Soomaaliga ah oo aan Magaciisa la shaacin Dukaankiisa oo ku yaala Soweto sida laga soo xigtay Constable Sibusiso Chauke oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Koonfur Afrika.

Booliska waxa ay sheegayaan in Ninkan uusan wax sharci u heysan inuu Hub heysto.

Booliska ayaa Weydiiyay inuu soo saaro sharciga Hub Heysashadda Lkn wuu ku guuldareystay,Booliska waa ay xereen waxana Weli Socda Baaritaankiisa isaga oo si deg deg ah uga soo muuqan doona Maxkamadda Orlano Ee Dalka Koonfur Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor