Maxkamad Australia oo xukun ku riday Haween Somali oo si qarsoodi u guday gabdhahooda.

Maxkamad ku taalla New South Wales ee dalka Australia waxay shalay xukun min 15 bilood ku riday Hooyo Soomaaliyeed iyo Umuliso lagu helay inay  labo gabdhood oo yaryar u gudeen Gudniinka FGM.

Hooyadda oo afar carruur leh, magaceedana sababo dhinaca Sharciga loo qariyey ayaa la sheegay inay ka codsatay Umulisadda oo 73-jir ah inay si qarsoodi ah ugu guto labada gabdhood ee ugu weyn carruurteeda.

FGMGudniinkaasi ayaa la sheegay inuu ka kala dhacay magaallooyinka Sydney iyo Wollingong muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2012-kii.

Hooyadda la xukumay oo 39 jir ah ayaa sheegtay inay raalli-gelin ka bixinayo falkaasi, iyadoo sheegtay inuu Gudniinku ahaa caado muddo dheer soo jirtay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor