Maxey AMISOM Ulumiyeen Gacan Ku Heynta Deegaano Somalia Ka Tirsan ?

Ahmad Cumar-sarkaal la yiraahdo ayaa hogaaminayay dagaalamayaasha Al Shabab, ee sida buuxda ula wareegay Degaanka Janlle ee Gobolka Shabelada Hoose ee koonfurta soomaaliya, deegaanka waxaa markii hore Gacanta ku hayay ciidamadda Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Xarakada Al Shabab ayaa dib ula wareegay Afar magaalo oo ku yaala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay  in magaalooyinka ay AMISOM ka baxeen in aysan ka mid ah qiimaha istiraatiiji ah. Waxay kaloo sheegan in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay iminka Xukumaan Meelo badan oo waaweyn oo ah istaraatiiji.

Xarakada Al-shabab ayaa leh taariiq Rabshado taariiqi oo ka dhan ah Dowlada soomaaliya iyo AMISOM. Waxaana ay dib uqabsadeedn Afar goobool oo muhiim ah sida Janaale, Buqda, El Saliindi iyo Kuntuwarey laga yaabee in aanay mudnaan ulaheen Dowladda Soomaaliya, balse Ahmed Nur, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Militeriga Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay AMISOM ay balanqaadeen in ay deegaanadaasi ay dib ula wareegi doonaan .Marka laga soo tago istiraatiijiyadan Madaxda AMISOM ayaa sheegay in Xarakada Al Shabab aysan awoodin in ay deeganadaasi aysan sii maamuli Karin ayna dib ugu laaban doonaan sida ay hadalka udhigeen.

Dadka degaanka ayaa ka digtoon ciidamada AMISOM

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dadka Deegan Magaalooyinka ay AMISOM gacanta ay ku dhigaan ayaa waxaa dadka deegaanka ay la xiriiriyaan in ay wada shaqeyn kala dhexeyso Al Shabab inkasoo mararka qaar Al Shabab Iyana ay sameyso. Dadka deegaanka ayaa waxay cabsi ka muujinayaan labada dhinac AMISOM iyo al-Shabaab, sida laga soo xigtay duqa degaanka Buqda Nuur Ibaahim waxa uuna hadlkiisa sii raaciyay in Ciidamada Miwga Africa ee AMISOM Dhibaateeyaan.

 

 

La’aanta tababar milatari

Midowga Afrika waxaa uu  awood siiyaan Howlgalka AMISOM,tan iyo inta AMISOM aysan u istaagin Militery, al-Shabaab waxaa laga yaabaa inay tahay un-cabsi. Xitaa howlgalka, Midowga Afrika mararka qaar waxaa ay u baahanyihiin taageero ka timaada aramada Midoobay iyo ururada kale si wax ku ool ah ayna howgaladoodu ugu sii wadan karaan.

La’aan khayraadka Gudahood AMISOM:

Dagaalka Xarakad Al Shabab, sida Diplomaasiyiintu ay sheegeen, waa inuu jiraa Qalabka Ciidamada oo dhameystiran oo ay ku dagaal tagi

karaan si ay difaacid ugalaan.Midowga Afrika ayaa wax badan ka cawaday, waxaana ay sheegee in aysan awoodin qalabka lagama maarmaanka ah si AMISOM ay dagaalka ugu yaraan ay usii wadaan. AMISOM ayaa iminka waxaa ay tiradooda ciidan ay gaareysaaa 22,000-kun kumana filna xakameeynta Guud ee Gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Laakiin waxaa Muhiim ah, Tirada halka ay gaarsiisantahay; inta badan waxaa su’aal ah dhaqdhaqaaqa iyo awood u leeyahay howgalka inuu ku odoroso awood deg-deg ah si gaar ah, waa sida uu sheegay Profosoor Paul D. Williams, oo casharro la xidhiidha Arrimaha caalamiga ka bixiya jaamacada e George Washington University ee ku sugan Washington, DC uu sheegay.

Boobku ma noqon karo Difaac:

Sida lasoo jeediyay, haddii dadka deegaanka ay soo maraan cabsi ka soo gaartay AMISOM, sidey ku ay aamini karaan iyaga?

Ururka Midowga Afrika ayaa u baahan in uu fuliyo siyaasadaha ka tarjumaya dareenka xagga dadka. Taaso ah Ciidamada AMISOM in ay ula dhaqma dadka islamarkaana ay amaaneeyaan ayna hortagaan xadgudubyo dheeraadka ah ee Xuquuqda Aadanaha.

W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor