Maxbuus Somali ku xiran Hindiya oo la il-daran Cuddurka Qaaxadda.

Muwaadin Somali ah oo ku eedeysan Burcad-baddeednimo kuna xiran Xabsi ku yaalla dalkaasi ayaa la sheegay inuu la xanuunsan yahay Cuddurka Qaaxadda ama TB-da, kadib, markii uu wax badan qaatay Kaniiniga looga hortago Qaaxadda.

Bukaanka oo lagu magacaabo Axmed Khaalim Mohamed ayaa la sheegay inuu qoraal u diray Garyaqaankiisa oo lagu magacaabo Suraaj Hulke, oo uu ku codsaday in laga saaro Isbitaalka uu ku xanuunsan yahay ee JJ Hospital oo ay Dowladda leedahay.

Wargeyska The Indian Express ayaa qoray inuu Bukaanka sheegay inuusan doonaynin in lagu daaweeyo Isbitaalka JJ Hospital, wuxuuna door biday in loo wareejiyo Isbitaalladda kale ee ay dadka Gaarka leeyihiin (A private Hospital).

Qeylo-dhaanta Bukaankaasi ayaa timid, labo bilood kadib, markii mid ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Hindiya oo la oran jirey Cabid Jaamac uu cuddurka Qaaxadda ugu geeriyooday isla Isbitaalka JJ Hospital ee uu haatan ka cabanayo Bukaanka Maxbuuska ah ee Axmed Khaalin Maxamed.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa amartay Dhakhaatiirta Isbitaalka JJ Hospital inay  faahfaahin ka bixiyaan Adeegyadda caafimaad ee lagu daaweeyo dadka la xanuunsan cuddurka Qaaxadda.

Sidoo kale, Taliyaha Xabsiga Taloja oo ay ku xiran yihiin Bukaanka Axmed Khaalin Maxamed iyo Maxaabiista kale ee Soomaalida ayaa la amray inuu Faahfaahin ka bixiyo Xaalladda Caafimaadka Axmed Khaalin Maxamed iyo sababaha uu Maxaabiista Soomaalida ugu diidayo inay helaan Adeeg Caafimaad.
JJ HOSPITAL 00 somali pirates

©Radio Dalsan                        

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor