Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri go’aanka Golaha Wasiirada India

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey go’aanka golaha wasiirada India oo ay ku ansixiyeen Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaarsiga maxaabiista.

Golaha Wasiirada India oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha India Shri Narendra Modi ayaa ansixiyey dhaqangelinta Heshiiskii Soomaaliya iyo Inida ay kala saxiixdeen ee ku aadanaa in maxaabiista la is-weydaarsado. Dhaqangelinta Heshiiskan ayaa sahlaya maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India loo soo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada India ay soo dhoweynayaan isla markaasna maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaas India la keen doono dalkooda hooyo si ay ugu soo dhowaadaan qoysaskooda iyo shacabkooda. Dowladda Federaalkan ay ka shaqeyn doonto sidii maxaabiistaas loo dhaqancelin lahaa oo marka ay xabsiga dhameystaan ay u noqon lahaayeen muwaadiniin ka qeyb qaata dib u dhiska dalka.”

Eng. Yarisow oo hadalkiisa watt ayaa yiri “Dowlada Federaalka waxey u mahadcelineysaa Dowlada Inida oo ka dhabeeyey heshiiskii san wada gaarnay isla markaasna xushmeeyey si muwaadiniinteena ku xiran xabsiyada dalka India loo keeni lahaa dalkooda hooyo. Go’aankan waa mid ay qoysaska maxaabiista ku xiran dalka Inida ay aad u soo dhoweeeyo iyo sidoo kale Dowladda Federaalka oo juhdi weyn ku bixisay sidii muwaadiniintooda loo karaameyn lahaa oo loo keeni lahaa dalkooda hooyo si ay shacabkooda iyo qoysaskooda ugu dhowaadaan.

DHAMAAD

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media