Maxamed Cabdi Waare oo ku wajahan Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa la filayaa in Saacadaha nasoo adan ee Maanta ah uu gaaro Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Xildhibaanada Maamulkaasi Hir-Shabeelle iyo Golaha Wasiirada.

Madaxweyne Waare ayaa markii uu tago Magaalada Baladweyne waxa uu Odayaasha Dhaqanka Baladweyne ku sugan kala hadli doonaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Munaasabada lagu Caleem Saarayo.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Baladweyne ayaa waxa uu booqan doonaa Xarumaha kala duwan ee Mamulka Hir-Shabeelle.

Diyaar Garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa ayaa ka socdo Magaalada Baladweyne.

27 Bishan ayaa la filayaa in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  la caleemo Saaro sida ay Maalintii doorashada shaaciyen guddiga doorashada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media