Maxamed Cabdi Afweyne iyo Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb oo la xukumay.

Maxkamadda magaalladda Bruges ee dalka Belgium waxay shalay Xukun 20-sanno ah ku riday Mohamed Abdi Hassan “Afweyne”, kaasi oo lagu soo oogay inuu Markab laga leeyahay dalka Belgium ka qafaashay Xeebaha Somalia.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu hoggaaminayey Burcad-baddeeddii qafaalatay shaqaalihii la socotay Markabka lagu magacaabo Pompei sannadkii 2009-kii, iyadoo uu Markabku xilligaasi ku sii jeeday dalka Koonfurta Afrika.

QM ayaa horey Afweyne u sheegtay inuu xubin muhiim ka yahay Burcad-baddeeda Soomaalida afduubka ka geysata Badda Somalia.

Boliska dalka Belgium waxay qaadeen Hawlgalo sidii loo soo qaban lahaa Eedeysanaha, kaasi oo markii dambe loo dhigay dabinkii lagu qaban lahaa, waxaana lagu casuumay inuu dalka Belgium yimaado, si uu qeyb uga qaato Filim laga samaynayo Noloshiisa ku aadan sida uu ku noqday Burcad-baddeed caan baxay.

Mohamed Abdi Hassan “Afweyne” oo 58 jir ah waxa uu sannadkii 2013-kii u soo dhoofay dalka Belgium, si uu u saxiixo Heshiiska Filim-samaynta, markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Brussels waxaa loo gudbiyey Xabsiga oo lagu soo oogay Burcad-baddeednimo.

Mohamed Abdi Hassan “Afweyne” oo shalay la soo maxkamadeeyey waxaa lagu xukumay xabsi 20-sanno, waxayna Maxkamaddu ku heshay Afduub Markab iyo inuu jirdil u geystay 10-kii shaqaale ee la socday Markabkaasi, kuwaasi  oo la sii daayey kadib, markii Burcad-baddeeda la siiyey lacag madax furasho oo dhan 2.2 million oo Dollar.

Eedeysane Mohamed Abdi Hassan “Afweyne”  oo Rafcaan ka qaadan karo Xukunkaasi, ayaa waxaa kaloo lagu amray inuu Kabtanka Markabka Pompei iyo qoyskiisa siiyo lacag magdhow ah oo dhan 20,000 oo Euro.

Dhinaca kale, Eedeysane kale oo lagu magacaabo Maxamed Macallim Aadan “Tiiceey” ahaana Madaxweynihii Maamulkii Ximan iyo Xeeb waxay Maxkamaddu ku xukuntay 5-sanno, isagoo lagu eedeeyey inuu door ka qaatay Hawlgelinta Urur Dembiile ah, isla markaana uu la socday Mohamed Abdi Hassan “Afweyne” markii la qabanayey sannadkii 2013-kii.

Xigasho: DPA/NAN

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor