Maxadaxweyanaha oo ka qayb galay jinaasadii xildhibaan Burci (Sawirro)

-Maaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa saaka ka qayb galay Jinaasada marxuum Burci Maxamed Xamse, oo ahaa wasiiru dowlihii xafiiska Ra’aysulwasaaraha arrimaha deegaanka.

Jinaasada marxuumka,oo ka dhacday Masjidka Shuhaddaa ee Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan, Ra’aysulwasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka socda labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Marxuum Burci oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Naasa-Hablood 25-kii Bishan ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

q1 q2 q3 q4 q5 q6

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor