Maxaabiis Yemeniyiin ah oo laga sii daayey Xabsiga Guwatanaamo oo soo gaaray Sacuudiga.

Afar Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga ay maamulaan Milliteriga Maraykanka ayaa soo gaaray Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad, kadib, markii ay shalay ka soo ambabaxeen Maraykanka.

Xubno ka tirsan Qoysaskooda ayaana ku soo dhaweeyey Garoonka Riyaad, kuwaasi oo farxad la ilmeeyey, markii ay arkeen Maxaabiistaasi oo in ka badan 20-sanno ku xirnaa Xabsiga Guwatanamo.

Warbaahinta Dowladda Sacuudiga waxay magacyadda maxaabiista Yemeniyiinta ee laga sii daayey Guwatanamo ku sheegtay Maxamed Rajab Sadiiq Abu Khaniim, Saalim Ahmed Hadi, C/llaahi Yaxye Yuusuf Al-shabli iyo Maxamed Cali C/llaahi Bawasiir.

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay inuu Madaxweynaha Yemen, C/rabu Mansuur Haddi ka codsaday in afarta Maxbuus dib-u-dejin laga siiyo Sacuudiga.

Sii-dayntooda ayaa timid, kadib, markii ay Madaxda Aqalka Cad ee Maraykanka gaashaanka ku dhufteen Codsiga Madaxweynaha La-doortay ee Donald Trump ee ahaa in la joojiyo in Maxaabiistaasi la sii daayo.

Dhinaca kale, 59 Maxbuus ayaa weli ku xiran Xabsiga Guwatanamo.

©Radfio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media