Maxaabiis Soomaali ah oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo Muqdisho ku soo Wajahan( Ahriso Tirada)

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in ay Muqdisho soo gaarto diyaarad sida qeybtii labaad ee maxaabiis Dowladda Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyada Dalka Liibiya,kuwaasi oo soo amba baxay.

Dhalinyaradaas Soomaaliyeed ee Maanta imaanaya Muqdisho oo gaaraya ilaa 13 qof ayaa laga soo bixiyay Xabsiyada Taruja iyo Ziika, ee dalka Libya,waxaa sidoo kale jiri doona 48 kale oo iyana dhawaan Muqdisho imaan doonaan sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo kuyaala dalalka Caalamka, Maalin ka hor ayay ahayd markii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay 76 qof oo ahaa tiradii ugu dambeysay maxaabiis in muddo ah ku xirnayd xabsiyada Dalka India.

Horey waxay Dowladdu u soo deysay maxaabiis ku jirtay Xabsiyada wadamo kale,sida Itoobiya iyo Jasiiradda Seychelles, waana markii ugu horeysay tiro intaasi la eg oo maxaabiis Soomaaliyeed ah laga soo daayo xabsiyada Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media