Maxaa saameyn ah oo ka dhashay qaraxii Galabta ka dhacay Muqdisho(Warbixin)?

Weli waxa taagan saameyntii uu reebay qaraxii Gaariga loo adeegsaday ee Galabta ka dhacay Isgoyska zoobe ee Magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha dad badan oo Shacab ah.

In ka badan 40 ruux ayaa la xaqiijiyay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen dhaawacuna uu intaas ka badan yahay kuwaas oo isugu jiray xiliga uu qaraxa dhacayay kuwo Wadada socday oo saarnaa Gawaarida dadweynaha kuwa fadhiyay Maqaaxiyaha ku yaalla Isgoyska Zoobe iyo kuwa Goobo Ganacsi ku leh.

Sidoo kale dhismayaasha burburay eek u yaalla Zoobe ayaa waxaa laga soo saaray Meydad farabadan sida ay Dalsan u sheegeen dadkii Maanta Gurmadka sameynayay qaarkood.

Ka sokoow khasaaraha Nafeed uu geestay qaraxaas, waxaa sidoo kale jiray mid hantiyeed waxaa burburay Dhamaan Goobihii Ganacsiga Gawaari xiligaas Goobta yaalay iyo kuwa Wadada socday ha ahaadan kuwa raaxada ama kuwa caadiga ah iyo sidoo kale Mooto Bajaajka.

Sidoo kale qaraxaas waxa uu saameyn ku yeeshay Idaacadda Goolfm ee tebisa Ciyaaraha kaas oo burburiyay qeyb ka mid ah Idaacadda taas oo sababtay in ay Hawada ka baxdo

Caawa waxaa xiran  Wadada marta Isgoyska zoobe waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo Goobta ku sugan kuwaaso oo dadka iyo Gaadiidka u diidaya in ay Goobta tagaan.

Marka la eego khasaaraha uu geestay qaraxaan ayaa Bulshada Soomaaliyeed waxa uu soo xasuusinayaa qaraxii ka dhacay 4,tii Bishii October Sanadkii 2011,kii Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo dhowr tallaabo u jirta Isgoyska Zoobe.

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media