Maxaa ka jira inuu baxsaday Boqorka Dal ay xiisad ka taagan tahay?

Dalka yar ee Eswatini oo horey loo oran jirey Swaziland ayaa waxaa ka taagan xiisad, iyadoo la sheegay inuu Boqorkii dalkaasi u baxsaday dalka Koonfur Afrika.

Ku-simaha Ra’isul-wasaaraha dalka Eswatini, Themba Masuku waxa uu beeniyey Warar ay Warbaahintu ku sheegeen inuu baxsaday Boqor Masati-hii 3-aad.

Hadal-qoraal oo uu Ku-simaha RW soo saaray waxa uu ku xusay inuusan Boqorka ka cararin Dibadbaxyo looga soo horjeeday Taliska Boqortooyada.

Waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay is-dejiyaan iyo inay muujiyaan Is-xakamayn.

Boqorka dalkaasi, Masati-hii 3-aad oo 53-jir ah waxaa la soo weriyey inuu xalay u gudbay Xuduudka dalka Koonfur Afrika, kadib, markii ay Dibadbaxayaal aan ku faraxsanayn Xukunkiisa iyo Nidaamka Boqortooyada ay isugu banbaxeen Waddooyinka, iyagoo codsanayey Isbedelo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor