Maxaa ka jira in qeyb ka mid ah Ciidamada AMISOM ee jooga Somalia la geynaayo Yaman?

Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga ee dalka Uganda, Okello-Oryem iyo Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire waxay si kulul u beeniyeen warar sheegaya inay Uganda ciiddamo u dirayso dalka Yemen, si ay u bedelaan Ciiddanka Suudaan ee qeybta ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta.

Beenintaasi ayaa timid, kadib, markii Shabakadda Wararka eeArab21 oo laga leeyahay dalka Masar daabacday inay Uganda qorsheynayso inay 8,000 oo Askari u diraan dalka Yemen.

Shabakadda Arab21 waxay qortay inay Dowladaha Uganda iyo Imaaraadka Carabta u socdaan Wada-xaajood si Ciiddamo ka socdo Uganda loogu xoojiyo Hawlgalka lagula jiro Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Shabakadda Arab21 waxay kaloo daabacday in Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-nahyaan ayaa qorsheynaya inuu booqdo dalka Uganda, si loo saxiixodhowr Heshiis, oo ay ku jirto in 8,000 oo Askar Ugandese ah oo loo daad-gureeyn doono dalka Yaman.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media