Maxaa horyaalla Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed ?

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda Federalka, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa mar kale dib uga muuqda Masraxa Siyaasadda, kadib, markii uu maanta ku guuleystay Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug ee Bartamaha Somalia.

Loolan adag ayuuna u galay sidii uu uugu soo bixi lahaa Xilkaasi oo ay kula baratamayeen lix musharax oo labo ka mid ah ay ku khibrad ahaayeen.

Madaxweyne Guuleed waxay wareeggii saddexaad isugu soo hareen Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Md. Axmed Macallim Fiqi, waxayna ku kala baxeen 49 dhibcood iyo 40 dhibcood.

Xeeldheerayaasha ayaa horey u saadaaliyey in Musharixiinta Guuleed ama Fiqi ku guuleysan doonaan Tartankaasi oo barqanimaddii maanta ilaa duhurnimaddii ka socday Madasha Shurweynaha ee magaalladda Cadaado.

Loolankaasi oo si habsami leh oo Dimqraadi ah ku dhacday ayaa waxa uu Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir iyo Guddiga Doorashadda muujiyeen dadaal iyo dulqaad badan, waxayna muujiyeen caddaalad ay Musharixiinta ku wada qanceen.

Mar haddii lagu kala baxay Tartankaasi, ayaa waxaa laga war sugayaa qaabka uu Madaxweyne Guuleed u soo dhiso Golihiisa Wasiiradda iyo Siyaasadda uu kula dhaqmi doono Beesha Caalamka Dowladda Federalka, Dowlad-gobaleedka Puntland iyo Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxweyne Guuleed hor yaalaan Imtixaan Siyaasadeed iyada  oo ay   dada\ka  ku nool Goballadda  Dhexe   indhaha ku hayaan iyagu u hamuun qaba Maamul loo dhan yahay oo gacan ka geysta sugidda ammaanka iyo horumarinta Nolosha Bulshadda.

Waa hubaal in caqabadda koowaad uu kala kulmi karo Ahlu Sunna Wal-jameeca oo iyagu beryahan ku hawlan dhismaha Maamul kale oo loogu talagalay in uu maamulo Goballadda Dhexe, iyadoo Madaxweyne lagu doortay Dhuusa-mareeb.

Hoggaamiyayaasha Ahlu Sunna ayaa iyaga ka biyo-diidsan Madaxweyne Guuleed oo ay u arkaan inuusan ku imaanin Rabitaankooda, waana arrin caqabadeeda yeelan karta.

 

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Ahlu Sunna ku mintidiyaan magaalladda Dhuusa-mareeb, iyadoo Dastuurka Galmudug lagu asteeyey inay Caasimaddu tahay Dhuusamareeb.

Kala fogaanshaha siyaasadeed ee labada dhinac ayaa u baahan in laga galo gorgortan adag oo waqyi dheer qaadan karta, maadaama Ahlu Sunnas saluug badan ka tebanayso Dowladda Federalka iyo qaabka loo maareeyey Dhismaha Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’” ayaa dhowr jeer isaga daba laabtay Dhuusamareeb, isagoo la kulmay Madaxda Sare ee Ahlu Sunnah, laakiinse wada-xaajoodka lagama gaarin Heshiis Rasmi oo mideysan.

Madaxweyne Guuleed waxa uu ku khasban yahay inuu si KMG ugu shaqeeyo magaalladda Cadaado, inta xal dhamaystiran looga heli doono Arrinta caasimadda rasmiga ee Galmudug.

Maamulka Xibin iyo Xeeb ayaa lagu ammaani karaa gogosha ay dhigeen iyo qaabka wanaagsan ee uu ku dhamaaday Shirka Maamul-u-samaynta Galmudug, inkastoo ay jireen Madax ka tirsan Xibin iyo Xeeb oo mar ku biiray, kadibna ka soo baxay Shirka Ahlu-sunna u qabanqaabisay Beelaha deggan Goballadda Dhexe.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Madaxweyne Guuleed ku khasban yahay inuu la kaashado Siyaasiga Axmed C/salaam sidii Ahlu Sunna loo qancin lahaa, laakiinse ma kala cadda inuu u kal furnaan doono iyo in kale, maadaama looga guuleystay xilka Madaxweynaha Galmudug ee uu u xusul-duubi jirey.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo rumeysan yahay haddii uu Axmed C/salaam ka biyo diido arrintaasi, inuu Madaxweyne Guuleed ku khasban yahay inuu la kaashado Dowladda Ethiopia oo  jaal fiican la ah Ahlu Sunnadda Goballadda Dhexe.

Laakiinse, taasi waa ku adkaan doontaa, waayo Dowladda Ethiopia waxay dhawaan ka biyo diiday codsi uu Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba, Axmed Madoobe ku doonayey inay Dowladda Ethiopia dhexdhexaadiso  khilaafka Maamulkiisa kala dhexeeyo Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedka K/galbeed Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr Tedros Adhanom waxa uu dhawaan ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia inay dhexdooda ka xaliyaan khilaafkooda, iyadoo  Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan  ku sugan yihiin Addis Abeba, iyagoo Madaxda dalkaasi ugu tegya Garnaqsi.

Taasi ayaana ah Farriin Furan oo wada saamayn karta Dowlad-gobaleedyadda ka dhismay Somalia ee khilaaf kasta ugu safra Addis Abeba, si loogu soo heshiisiiyo.

Madaxweyne Guuleed waxaa kaloo horyaala inuu dhigiisa Puntland, C/weli Gaas  ku qanciyo in xiisadda taagan la qaboojiyo, isla markaana laga wada shaqeeyo sidii ay Labada Maamul uga wada hawlgeli lahaayeen Ammanka iyo Horumarka dadka ku wada nool Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo Siyaasadeed calawsan ku caan baxay ayaa waxaa adkaan doonta sidii loogu qancin lahaa inuu aqoonsado Dowlad-gobaleedka Galmudug oo uu u arko in loo dhisay in lagu burburiyo Maamulka Puntland.

Khudbadii ugu dambeysay ee uu Madaxweyne Gaas jeediyey Munaasabaddii 1-da Luulyo ayaa waxa si mutuxan uga biyo diiday Dhismaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, wuxuuna af buux ku sheegay in sohdinta Maamulka Puntland  dherersan tahay ilaa Cadaado.

Taasi oo ah arrin aan mustaxiil ahayn waxay olol siyaasadeed ka dhex hurin kartaa Maamulka Puntland ee 17 sanno jirka iyo Maamulka Galmudug ee aan weli socod-baradka gaarin.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa kaloo sugaya inuu wax ka qabto Burcad-baddeeda, kooxha hubeysan iyo colaadaha dhex mara Beelaha ku wada nool Goballadda Dhexe iyo inuu Ganacsatadda ku booriyo inay Maamulkiisa maalgeliyaan.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo rumeysan yihiin in Madaxweynaha Galmudug tahli doonin inuu Beesha Caalamka iyo Shirkadaha shisheeye ku soo dhiirigeliyo inay Mashaariic Horumarineed ka hirgeliyaan Galmudug, maadaama Madaxdii isaga ka horreysay aysan waxba badan ka xalinin hamigaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Guuleed oo siyaasad ahaan jaal la ah Villa Somalia waxa uu Dowladda Federalka ka dhigan karaa jid-mareen ay wax kasta u soo maraan, inkastoo ay ku adkaan doonto inuu Dowladda Federalka ka helo dhaqaale uu ku furdaamiyo Hawlaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed waxaa laga yaabaa inay xubno ka tirsan Maamulkiisa uga soo faruurmaan Mucaarado culayskeeda leh, maadaama Madaxweyne Guul lagu bartay inuusan jeclayn Mooshinka Xildhibaanadda, maadaama uu weli xusuusto Dhacdadii ku khasabtay inuu shaaciyo inuu ku fashilmay xilkii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee uu ka hayey Dowladda Federalka.

Markaynu isku soo xoorino, Madaxweyne Guuleed waxa la gudboon inuu La-taliyayaal daacad ah garab ka dhigto, isla markaana uu ku dadaalo sidii uu Ummadda Goballadda Dhexe uga kasban lahaa Kaslooni iyo Wada-shaqeyn waarta.

© Radio Dalsan

maantaJUBBA IYO ETHIOPIAguuleed