Maxaa hortaagan Shirka Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe  ma Caqabad Siyaasadeed mise caqabad Dhaqameed?

Dabaysha Isbedelka Siyaasadeed iyo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda ayaa waxay si carcar leh uga socotay Somalia, balse, waxa xawligaasi shiiqiyey Dadaalka gaabiska ah ee loogu ololeynayo in la isugu yimaado Madasha Gogosha taallo ee magaalladda Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu isbuucii hore dadaal u galay inuu Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha wada deggan Gobalka Hiiraan ku soo baraarujiyo inay ka qeyb galaan Madasha lagu dhisi doono Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweynaha oo saddex maalmood Kulamo xasaasi ah ku yeeshay magaalladda Beled-weyne, waxa uu ku guuleystay inay Odayaasha Dhaqanka ayidaan Taladiisa, kadib, markii uu ka qanciyey Gocasho iyo arrimo Farsamo lagu dhaqay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka waxay shaacisay inuu Shirka furmi doono Isbuuca soo socda, isla markaana ay socdaan Qabanqaabadda Taabagelinta Shirkaasi.

Rajo wanaagga ay Dowladda Federalka muujinaysa ayaa waxaa feer ordaya Odayaal-dhaqameedyo had iyo jeer lahadlayo Warbaahinadda Calaamiga iyo kuwa Maxaliga, kuwaasi oo rajo-beel ka muujinaya Qabsoomida Shirkaasi.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka aad uga fekereen sidii loo qanci lahaa Beelaha wada deggan Hiiraan iyo Sh/dhexe oo iyagu xarig-jiid xooggan u galay inuu midba u ololeeyo Marti-gelinta Madasha lagu yegleeli doono Maamul-gobaleedka Sh/dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federalka waxa uu soo saaray Wargeeto laga dheehan karo  Go’aan Madaxweyne oo lagu lamaaniyey Qancinta Labada Gobal, wuxuuna Madaxweynuhu shaaciyey inay Jowhar marti-gelinayso Shirka Maamul-u-samaynta, halka Degmadda Buulo-burde ka noqonayso Caasimadda KMG ee Maamulka Cusub.

Talada noocaasi ayaana u muuqata inay Wareegtada Madaxweynaha tahay mid Dheelitiran oo aan hal dhinac u xaglinin, waana Nidaam meel dhexe isugu keenayo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadweynaha waxay dhabano-hays ka qaadeen caqabadda hor taagan Qabsoomida Shirka, waxaana aad la isku weydiinayaa sababaha dib u dhigayo Rajadda Dhismaha Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xaqiiqo ahaan, waxaa la dareemi karaa inay jiraan caqabado muuqda iyo kuwa aan muuqanin oo caqabad ku ah Qabsoomidda Shirkaasi, waxaana isweydiin mudan Maxaa ku hor gudan  Maamul-u-smaynta Goballadda  Hiiraan iyo Sh/dhexe,  ma Siyaasiyiin baa wax hoos ka hagayo, ma Odayaal- Dhaqameedka Labada Gobal baa kala didsan, mise guuxa taagan ayaa qeyb ka ah Gorgortanka Xilalka Sare ee Maamul-gobaleedka iyo Hawl-fududeynta Dufanaysan ee Gogol-fadhiga Odayaasha oo ay u arkaan inay Dowladda ka meermeerayso ?

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor