Masuuliyiinta Goboladda Awdal iyo Sanaag oo Maanta Dil Ka Badbaaday

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Fallaay ayaa Maanta ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa in lagu dilo.

Koox hubeysan ayaa Masuuliyiintasi u galay Meel ku dhaw Degmada Ceerigaabo ee Waqooyga Gobolka Sanaag.

U Jeedada Booqashadda Wafdiga oo ay la socdeen Gudoomiyeyaasha ayaa lagu sheegay in lagu waday halkasi iney ka dhacdo Xaflad Xil Wareejin ah.

Waxaan isku daynay inan Madaxdasi aan la xiriirno si aan wax badan uga weydiino balse ma aysan inoo suurto galin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor