Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADANI,oo Magaalada Hargeysa lagu Maxkamadeeynayo

Maxkamada Magaalada Hargeysa ee Somaaliland ayaa Maanta Go’aan rasmi ah ka soo saari doonta Dacwad loo heesto laba Masuul oo ka tirsan Xisbiga Wadani kuwaas oo mudo Bil iyo 12 Cisho ah ku xiran Xabsiga Magaalada Hargeysa.

Labadaan Masuul ayaa kala ah gudoomiyihii  garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo Xeer ilaalinta Maxkamada ay ku eedeeysay in ay ku dhaqaaqeen fal lidi ku ah Qaranimada Somaaliland sida ay hadalka u dhigeen.

Dacwadan loo heesto Saraakiisha ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa ah mid mudo soo socotay,waxana ugu dambeen la filaaya in Maanta ay Maxkamadu ay soo saarto Go’aan walow Masuuliyiinta Xisbiga WADANI,ay horay u sheegeen in xariga masuuliyiintaan uu yahay mid qaldan.

Maxkamadeenta Masuuliyiintaan ayaa  hore u baaqatay maalinkii Arbacada aheyd ee toddobaadkii la soo dhaafay ee bishu ay ahayd 17.5.2017,waxaana dib loo dhigay  maanta Axad ah Go’aana laga gaari doono

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media