Masuuliyiin ka tirsan Ahlusuna Waljamaaca oo Xabsiga loo taxaabay

Wararka ay Dalsan ka heleyso Xarunta Gobolka Galgaduud ee degmada Dhuusa Mareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Xabsiga la dhigay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-jamaaca.

Ciidamo la sheegay in ahaayeen Milateri ayay dadka degmada Dhuusa Mareeb sheegeen in ay xoog ku galeen xarunta Maamulka degmada iyaga oo intaas kadib xabsiga dhigay Xoghayihii degmada dhuusa Mareeb.

Warku ayaa waxa uu intaas ku darayaan in Ciidamadaas uu ka baxsaday Macalin Nuur Cilmi   oo ah Gudoomiyiha dagmada isla markaana uu aaday dhanka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in sababta Ciidamadan ay falkasi ugu dhaqaaqeen lagu sheegay in ay ka gadoodsan yihiin musq maasuq la sheegay in lagu sameeyay raashin laga bixiyay degmada.

Wararkii u dambeyay ee Caawa laga helayo Dhuusa Mareeb ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan kadib qalqal amni oo Maanta halkasi ka jiray welina kama hadlin Masuuliyiinta Ahlusunna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media