Mas’uuliyiin iyo Maalgeliyayaal u dhashay dalka Masar oo ku soo fool leh Muqdisho

Wasiirka Beeraha ee dalka Msaar. Dr. Saalax Hilaal iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay bishan 13-da booqasho hawleed ku yimaadaan magaalladda Muqdisho.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu muddo saddex maalmood joogi doono magalladda Muqdisho, isagoo kulamo la qaadanaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia iyo Ganacsatadda Soomaaliyeed.

Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray inuu Wasiirka Beeraha Masar la saxiixan doono Madaxda Somalia Borotokoolka Afaraad ee Heshiisyo lagu horumarinayo Iskaashiga Labada Waddan.

Waxaa heshiiskaasi ka mid ah Iskaashiga maalgashiga dhinacyada Kalluumeysiga, Beeraha iyo sidii Wershaddo Fudud looga dhisi lahaa dalka Somalia

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Masar ka dhisi doonto magaalladda Muqdisho Wershad lagu farsameeyo Maraakiibta lagu kalluumeysto, si ay u fududaato in laga faa’ideysto Kheyraadka Badda ee Somalia.

Dabayaaqadii bishii hore, Dowladaha Somalia iyo Masar waxay magaalladda Qaahira ku kala saxiixdeen Borotookol Iskaashiga dhinacyadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Somalia  iyo in laga wada faa’ideysto dhul-beereed cabirkiisu dhan yahay 9 million oo hektar.

Horey ayey Dowladda Masar u ballan-qaaday inay Wershad soo saarta Daawooyinka ka hirgelin doonto magaalladda Muqdisho.

http://www.youm7.com/

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor