Mas’uuliyiin iyo Hoggaamiye Dhaqameedyo ka tacsideynayo Geeridii ku timid Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airline oo xalay ku geeriyooday Nairobi.

Waxaa Xafiiska Warqabadka ee  Radio Dalsan soo gaarayo Farriimo ay Madaxda iyo Mas’uuliyiinta uga tacsideynayaan Geeridii ku timid Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa xalay ku geeriyooday Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxda iyo Mas’uuiyiinta diraysa waxaa ka mid ah:  Guddoomiyaha Warbaahinta Dalsan Media, Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib”, Prof. Maxamuud Cali dheg-weyn, Ciise Maxamuud Xasan Gacal, Xildhibaan C/llaahi Cali Gadafey, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, C/llaahi Cali Nuur,  Ganacsade Maslax Xuseen Maxamed, Xildhibaan C/llaahi Iimaan Afrax.

Waxaa kaaloo Tacsi dirayaa Suldaanka Beesha Wacaysle Abgaal, Suldaan Maxamed Cabdi Shido,  Nabadoon Ciise Macallim Maxamuud,Wasiiru-dowlaha Amniga ee Dowlad-gobaleedka Mudug, C/llaahi Axmed Calasow, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta , Prof. C/llaahi Axmed Afrax iyo Madax kale.

Dhinaca kale, Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed waxa la filayaa in maalinta berrito ee Jimcaha Aas Qaran loogu sameeyo magaalladda Muqdisho.

انالله وانا اليه راجعون 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor