Masuul ka tirsan Maamulka degmada Kaaraan oo la dilay

Wararka naga soo garay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in meel kamid ah degmadaasi ay ka dhacday israsaaseen taas oo u dhaxeysay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobta ay israsaaseynta ka dhacday ayaa waxaa deeq loogu qeybinayay dad barakacayaal ah waxana israsaaseyntaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in israsaaseyntaas dadki ku waxyeeloobay uu kamid yahay gudoomiye Waaxeedkii Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan islamarkaana uu geeriyooday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay haatan sheegayaan in xaaladu ay degan tahay islamrkaana goordhow la filayo in uu faah faahin ka bixiyo gudoomiyaha degmadaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media