Mashaa’iqda Dariiqadda Suufiyadda ku nool Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ku baaqay in laga taageero Dagaalka Alshabaab

Aqoonyahano iyo Mashaa’iq ka tirsan Dariiqadda Suufiyadda  ayaa waxa uu Shir uga socdaa  Xarunta Al-Mahmudiyah Sufi Islamic Center oo ku taalla dueleedka magaalladda Nairobi ee dalka Kenya.

Ergooyin ka kala socda Dariiqadda Suufiyadda ee dalalka Somalia, Kenya, Ethiopia, Tanzania, Uganda iyo Koongada Dimuqraadiga ee DRC ayaa ka qeyb galayo Shirka Caalamiga ee Suufiyadda Bariga Afrika (The International Sufi Conference for East Africa).

Ergooyinka Dariiqadda Suufiyadda ama loo yaqaano Ahlu-suna Wal Jameeca ee  ka qeyb galayo Shirkaasi waxay sheegeen inay taageersan yihiin in laga hortago dagaalladda ay Xarakadda Alshabaab ka wadaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen inay ku-dhawaad 95% dadka Muslimiinta ee ku nool dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika yihiin dad taabacsan Dariiqadda Ahlu Sunah Wal Jameeca, waa sida ay hadalka u yiraahdeen.

Baaqaasi ayaa soo baxay, iyadoo ay Dowladaha Bariga Afrika dagaal kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab oo inta badan weeraro ka geysta dalalka ay ciiddankooda qeybta ka yihiin Hawlgalka AMISOM.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor