Masar oo xukun ku riday Dadkii ka dambeeyey geerida boqolaal Tahriibayaal Somali ah.

Maxkamad ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Qaahira ayaa shalay xukun ku riday 56 qof oo isugu jiray Mukhalasiin iyo Shaqaalaha Doonyaha, kuwaasi oo lagu helay inay ka dambeeyeen doonidii bishii September 21-dii ee sannadkii hore ku degtay Xeebaha Masar, kuna geeriyoodeen ugu yaraan 202-Tahriibayaal u badnaa Somali.

55 ka mid Eedeysanayaasha ayaa lagu riday Xabsi ugu badnaan 14-sanno ah, halka haweeney kale oo ka mid ahayd Eedeysanayaasha la sii daayey.

ku-dhawaad 500 Tahriibayaal Afrikaan u kala dhashay Somalia, Sudan, Eritrea iyo qaar Masaari ah ayaa ku geeriyootay doonidaasi oo ku degtay Badda Mediterranean-ka, kuna beegan meel ka baxsan Tuulladda Burg Rashiid ee Gobalka Beheira ee dalka Masar.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media