Masar oo sheegtay iney kordhineyso Taageerida Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibada dalka Masar Sameh Shoukry, ayaa sheegay in uu ku cel-celinayo in dowlada Fedeeralka ee Soomaaliya, ay ka taageeri doonaan dib udhiska iyo deganaashaha nabada.

Sameh Shoukry, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Reysal’wasaaraha Soomaaliya Omar Abdirashid Ali Sharmarke, kadib kulankii 70th ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe, ee ka dhacay xaruunta QM, ee magaalada New York ee caasimada dalka Mareykanka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in uu soomaaliya urajeynayo in ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016, taasoo ay ansixiyaan beesha caalamka.

Reysal’wasaaraha Soomaaliya Omar Abdirashid Ali Sharmarke, ayaa soo dhaweyn kadib kulanka ka sheegay in dowlada Egypt ay Somalia ka caawiso dhanka tababarida ciidamada .

Masar iyo Soomaaliya ayaa waxa ka dhexeeya xiriir dhinaca dowlad wanaagaah  iyo iskaashi balaaran.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor