Masar oo sheegtay inay Dowladda Federalka ka taageerayaan Dib-u-dhiska Hay’addaha Ammaanka.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegy inay Dowladda dalkaasi  si xooggan u cambaaraynayaan Weeraradii Is-qarxinta ee labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu qaaday Sldhig Milliteri iyo Xero Tbabar oo ku taalla magaalladda Muqdisho, waa sida hadalka loo dhigay.

War-saxaafadeedka oo uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar waxa kaloo lagu sheegay inay Dowladda Masar  si buuxda y taageersan yihiin Madaxweynaha La-doortay iyo Dowladda Somalia, si loo soo celiyo Deganaanshaha, Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda Somalia.

Dhinaca kale, Dowladda Masar waxay Tacsi u dirtay Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxyadaasi, waxayna  dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen Bogsasho Degdeg ah.

©Radio Dalsan