Masar oo looga dhawaaqay 3 maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah

Dowladda dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in 3 maalmood loogu baroor-diiqayo Boqolaalkii qof ee shalay lagu xasuuqay Masjid ku yaalla Degmadda BIR AL-ABIID oo 40-KM dhanac Galbeed kasga toosan Caasimadda Gobalka Gobalka Siinaay ee Al-cariish.

Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegtay inay tirada dhimashadu  gaartay 235 qof, iyadoo 100-kalena ku dhaawacmeen.

Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa uu wacad ku maray in la ciqaabi doono Kooxihii ka dambeeyey Weerarkaasi.

Dhinaca kale, Madaxda Dowladaha Maraykanka, Britain, Turkiga, Kuweyt iyo Talyaaniga ayaa cambaareeyey Xasuuqaasi, waxayna ku tilmaameen Weerar Bahalnimo oo Badawnimo ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media