Mudanayaasha Barlamaanka dalka Masar waxay shalay yeesheen Shir ay kaga hadleen Xaalladda dalka Somalia, Dhaqdhaqqayadda ay DFS ku tallaabsatay iyo Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Arrimaha Somalia.
Shirkaasi waxaa guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Wakiilladda (Senedka) Masar ugu qaabilsan Arrimaha Carabta, Sarreeye Gaas Sacad Al-jamaal, waxayna Xildhibaanadda is-tusaaleeyeen inaysan joogsan doonin Khatarta Faragelinta lagu hayo Arrimaha Gudaha ee Somalia iyo Maleshiyooyinka isku ballaarinayo guud ahaan dalka Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.
Xildhibaanadda Barlamaanka Masar waxay kaloo farta ku fiiqeen in Faragelinta sii socota ee Ciiddamada Nabad-ilaalinta Afrikaanka, kuwa Caalamiga ee jooga Somalia iyo dalalka Saldhigyada Milliteri ku leh Somalia, oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Turkiga inay caqabad weyn ku yihiin Deganaanshaha Somalia iyo Xuduudaha dhuleed ee Qraanka Somalia.
Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Barlamaanka dalka Masar waxa kaloo lagu soo hadal qaaday guusha laga gaaray Doorashadii Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo, Safarkii uu ku tegay Masar iyo dadaalkiisa ku aadan Soo-celinta Deganaanshaha Somalia, inkastoo ay weli jiraan caqabado badan ee ka soo wajahayo dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.
Dhinaca kale, Qoraalka waxaa lagu soo dhaweeyey Dhismaha Xukuumadda Federalka Somalia, Dib-u-dhiska Hay’adaha Dowladda iyo La-dagaalanka Musuqa iyo Hawlgalka dagaalka Alshabaab.
.Qoraalka Khaaska ee ka soo baxay Barlamaanka Masar waxaa kaloo lagu muujiyey Iskaashiga Dowladaha Somalia iyo Masar ee danta u ah labada Shacab, gaar ahaan Iskaashiga dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Maalgashiga, Ganacsiga, iyo Wershadaha.
Ugu dambeyntii, Xildhibanaadda Barlamaanka Masar waxay qoraalkooda ku sheegeen inay cambaaraynayaan Qaraxyadii soo noqnoqday ee ka dhacay magaalladda Muqdisho, oo ay Boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.