Masar oo ka codsaday Qubrus in loo soo gacan geliyo Afduubihii Diyaaradda Egypt Air.

Telefishinka Dowladda Masar ayaa maanta shaaciyey in lagu soo wareejiyo Afduubahaasi oo ku eedeysan inuu afduubat Diyaarad Rakaab iyo inuu Diyaaradda u weeciyey inay ku degato Jesiiradda Qubrus.

Afduubaha oo lagu magacaabo Sayful-diin Mustafa oo 59-jir ah ayaa shalay isku dhiibay Ciiddanka Ammaanka ee Qubrus, isagoo aan waxyeelin 72-kii Rakaab iyo shaqaalihii Diyaaradaasi.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladad Larnaka ee Qubrus waxay maanta amartay in Afduubaha xabsiga lagu sii hayo muddo 8 maalmood, iyadoo lagu soo oogay Afduub iyo inuu sunka Isqarxinta oo macmal ah u adeegsaday inuu Duuliyaha ku khasbo inuu Jihadda Diyaaradda beddelo.

Afduubaha waxa uu maanta Maxkamadda ka hor sheegay inuu falkaasi u geystay, isagoo sheegay inuusan muddo 24-sanno arkin  Xaaskiisii hore iyo ciyaalkiisa oo deggan Jesiiradda Qubrus.

xabsi1

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor