Masar oo Arrin darteed Gaadiid iyo Injineero ugu dirtay marinka Qasa

Tobaneeyo Gaadiidka waa weyn ee Cagafcagafyada ayaa waxaa ay ka gudbeen Macbarka Rafax, si ay gacan uga haystaan Dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii XAMAAS iyo Israel ku dhex maray Qasa.

Injineerada iyo shaqaalaha Dhismaha ee Masar ayaa iyagana gaaray Qasa, si ay u dejiyaan Naqshadaha Dib-u-dhiska ee dhismayaasha ay Diyaaradaha Dagaalka Israel baabi’iyeen.

Kolonyo Gadiidka Dhismaha oo uu Calanka Masaarida ka dul babanayo ayaa ka gudbay Macbarka Rafax, si ay u bilaabaan Dib-u-dhiska Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa ee uu sameeyey burburka baahsan.

Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masaarida ayaana la siiyey Qandaraadka Dib-u-dhiskaasi, iyadoo Madaxweyne C/Fataax El-sissi uu 5 million oo Dollar ugu deeqaday Dib-u-dhiska Qasa.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor