Masar iyo EU-da oo ka wada hadlay xakamaynta Tahriibayaasha ay Soomaalia ku jiraan

Taliyaha Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ugu qaabilsan ka-hortaga Tahriibinta, Admiral Enrico Sardindino ayaa dhamaystay booqasho uu ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, kadib, markii uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral Majdi C/qafaar.

Labada Mas’uul ayaa ka wada xaajooday iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo joojin lahaa Tahriibayaasha naftooda ku biimeeya Badda mediterraneanka ee ay Mukhalasiinta ka soo dhoofiyaan Xeebaha Masar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral Majdi C/qafaar ayaa soo dhaweeyey Istaraatijiyadda lagula dagaalamayo Dembiyadda qorsheysan iyo in laga hortago Tahriibinta dadka sida sharci-darradda ugu shiraacda Xeebaha Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Jeneral Majdi C/qafaar iyo Taliyaha Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ugu qaabilsan ka-hortaga Tahriibinta, Admiral Enrico Sardindino waxay kaloo isku waafaqeen in la adkeeyo ammaanka Garoomadda Diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha, iyadoo la adeegsanayo Teknoolajiyadda casriga ee looga hortagayo  Tahriibinta iyo isticmaalka Baasabooradda macmalka ee ay Mukhalisiinta dadka ku kaxeeyaan.

Waddanka Masar waxaa inta badan ka tahriiba Qaxootiga u kala dhalataya dalalka Somalia, Sudan, Eritrea, iyo xitaa dadka Masaarida ee doonaya inay u tahriibaan Europe.

© Radio Dalsan