Masaajidyo iyo Guryo ay lahaayeen dad Muslimiin ah oo la gubay

Warbaahinta Hindiya oo soo xiganaysa Ururka Culumada Muslimiinta ee gobolka buuraleyda ah ee Tripura ee dhaca waqooyi bari Hindiya, ayaa sheegay in lagubay Masaajidyo iyo guryaha ay lahayeen dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan.

Muslimiinta ku nool gobalka Tripura ayaa ka dalbadeen dawladda iyo mas’uuliyiinta  gobolka inay tallaabo ka qadaan waxa ay ku tilmameen falalka mooriyaanimo ee diin naceybka ku saleeysan.

Wargayska Hindustan Times, ayaa sheegay in Ururka Culumada Muslimiinta ay mudaaharaad ka dhigeen xafiiska wasiirka gobolka, iyaga oo dalbanaya in Dowladda ay qaado talaabo lagu joojinayo weerarada lagu haya dadka Muslimiinta ah iyo goobahooda Cibaadada.

Dad ka soo horjeeda Diinta Islaamka ayaa weeraray masaajidyo  iyo Xaafado ay degan yihiin dadka  Muslimiinta ah, kuwaasi oo ku yaalla galbeedka iyo waqooyiga gobolka Tripura.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor