Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lagu aasay Deegaanka Daaro Ugaas.

Boqolaal qof ayaa galabta ka qeyb galay Aaska Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo lagu aasay Deegaanka Daaro Ugaas ee Gobalka Hiiraan.

Qaar ka mid ah Qoyska Ugaaska ayaa horkacayey Munaasabadda Aaska, waxaana Ugaaska lagu aasay Qabuuraha Daaro Ugaas oo ay ku duugan yihiin 17-Ugaas oo iska dhaxlay Duubka Dhaqanka ee Ugaasnimadda.

Marxuumka waxaa saakayto lagula tukaday Salaadda Janaasadda Garoonka K/Cagta ee magaalladda Beled-weyne, iyadoo ay ka qeyb galeen Madax ka socotay Dowladda Federalka, Maamulka Gobalka Hiiraan, Odayaasha Dhaqanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Allaha U Naxariistee Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxa uu bishan 3-dii si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalladda Beled-weyne, xilli uu ka qeyb galayey Shir Dhaqameedka Gobalka Hiiraan.

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor