Marridda Buundada Miraayadda ah ee Buuraha Dalka Shiinaha

Ilaa iyo waqti, Shiinaha cirku uma baahan inuu xad yeeshu, gaar ahaan marka aad buundo hoosteedu dhalo tahay gooneyso.

Meelaha loo dalxiiso ee gobolada Henan iyo Hunan waxa lagu dhisayay in muddo ahba buundo loogu magac daray “Cir Ku Socosho”, oo macnaheedu yahay inaad mareyso Buundo Wada Dhalo ah, oo aad Buuro dhaadheer dhexdooda  socod ku gooneyso,  si uun loo soo jiito dalxiisayaasha.

Tan waxay u muuqataa in ay shaqeysay, soojiidatay dalxiisayaasha iyo dadka deegaanka ee raadsada meelaha qatarta ah, doonayana in ay arkaan fursadda aragtida shimbirta ee baadiyaha Shiinaha.

Li Shu, oo ah aradyad 19 jir ah, oo ka timid magaalada Hangzhou ayaa la wadaagtay BBC-da dareenkeeda fuulidda buudadan la dul saaray buuro dhaadheer dhexdooda.

“Waxaad moodaa inaad dhacayso, waxaadna dareemeysaa cabsi, laakiin haddana si dhaqsiya ayuu kaaga dhamaanayaa dareenkaas, waxaadna bilaabeysaa inaad ku raaxeysato ku lugeenta buundadaas” ayay tiri Li Shu.

“Aad bey u qurux badan tahay, waxaadna isla tahay sida qof hawada dhex socda oo kale” ayay sidoo kale tiri Li Shu.2

3

Buundadaan qaawan, oo uu cabirkeedu u jiro dhulka 300 oo Mitir, waxaa markii ugu horeysay loo furay dadweynaha bishii September ee sanadkii hore.

Waa mid ka mid ah buundooyinka ugu caansan ee la dul istaago dunidan, sida dhacdooyinka loo yaqaan Ruwaayadaha Yoga.

Saraakiisha Guduhu waxa ay sheegayaan in miraayadaha buundadaan laga fakeray xitaa in ay u gagsan karaan dabeylaha, dhul gariirada iyo culeyska 800 oo qof, oo dalxiisayaal ah.

Kulka buundada miyaaradeysan waxa ay sii fudsan tahay ilaa ilaa iyo dalka dariska ah ee Taiwan, halkaas oo 179 miter buundo joogeedu ka sareeyo dhulka  ay furan tahay teer iyo gobolka la yiraa Nantou.4

Buundadaan xitaa waa laga fekeray hadii ay dhacdo inuu burbur soo wajaho, oo waxaa dadka la kulmi kara dhacdadaas loo diyaariyay badbaadin.

Dhismaha buundo kale, oo Casriga ah oo ku magacaaban in ay tahay meel Buunda ah oo lagu socdo oo miyaarad ah tan ugu dheer dunida oo dhan,  ayaa hadda sidoo kale gabagabo ah.

Waxa uu joogeedu ka sareeya dhulka 300 oo mitir, balaceeduna waa 375 mitir, waxaana la suri doonaa buundadaas togga cajiibka ah ee Zhangjiajie, oo isaguna ku yaala isla gobolka Hunan.

Iyada oo la xoojinayo magaca buundaas ayaa loogu magac daray in ay tahay Buundada sanadka 2016 ee loogu talogalay in ay dadka caawiso.

Mid ka mid ah Injineerada sameeyay buundadaas, Yang Guohong, ayaa sheegay in ay qandaraaslayaashu qaateen tilaabooyin dheeraad ah oo ay ku xoojinayaan badbaadada Buunadada.

“Dhibaato malaha sida ay dalxiisayaashu u fuulayaan buunadada, oo waxa ay ahaan doontaa mid fiican” ayuu Yang Guohong ku yiri Jariirad kasoo baxda Shiinaha.

“Biraha taageeraya, hayyana buundada ayaa  siyaan caadi ahayn u adag, taasoo keeneysa in xitaa haddii ay dhaladu jajabto aysan daadan dalxiisayaasha saran buunadada”  ayuu Yang Guohong hadalkiisa sii raacsaday.5

Dadka dhisay buundadaas oo lahadlay BBC-da waxa ay sheegeen in buundo sidaan oo kale ah dhalo ay inta badan iska ahayd sheeko iyo riyo u ahayd dalxiisayaasha soojiidasho oo kaliya.

Midkood oo lagu magacaabo Keith Brownlie oo horayna waxa uga soo dhisay buundada London ku taala ee la yiraa The London Science Museum ayaa sheegay in ay baahida buundadan ahayd la ayaab.

“Waa xiriir ka dhaxeeya cabsida ay caadifaddu ka xayneeso iyo fahamka maangalka ah ee badbaadada” ayuu yiri Keith Brownlie, oo ka hadlayay sida uu noqonayo qofk dul saran buundada miraayadeysan.

“Qaab dhismeedka buundaan waxaa hareer socda difaacyo iska soo horjeeda, dadkuna waxa ay jecelyihiin in ay caqabadeeyaan maskaxdooda, iyaga oo xiriir ula sameeynaya baqdinta ay qabaan” ayuu Keith Brownlie hadalkiisa ku daray.

Dad kale ayaa u dareemaya in buundadaas lagu lumiyay qarash aad u fara badan. “Qof ka mid ah dad wax naqshadeeya oo lagu magacaabo Ezra Groskin ayaa sheegay in miraayad wax lagu dhisaa ay muujineyso baashaal, raaxeysi iyo qaninimo.

Miraayadda dhulka la dhigo oo loo isticmaalo si aan la arki Karin, ma ahan muuqaal ama wax cusub, sikastabase isticmaalkeeda inta badan waa la xadidaa, qarashka lagu galayo iyo muhiimadda uu leeyahay oo kala fog darteed.

6

Laakiin sikastaba, waxaa dhinaca kale su’aal la gelinayaa sida ay badbadao u yihiin buundooyinka miraayadaha ah ee dalka Shiinaha.

Shil dhacay bishii October ee sanadkii hore ayaa siiyay dalxiisayaasha baqanaya dareen ah waxa dhici kara haddii ay buundada miraayadeysan ee Shiinuhu dilaacaan ama ay burburaan, kuwaasoo 2 Isbuuc uun ka hor loo furay dadweynaha.

Saraakiisha fagaarayaasha Shiinaha ayaa si deg deg ah u xiray halkii laga galayay buundada, kadibna wey fureen iyaga oo dhahaya “ma jirto sabab loo walaaco, haddii ay miraayadda buundadu dilaacdana saameyn kuma laha badbaadada qofka.

Balse qubaradu waxa ay su’aal gelinayaan isticmaalka miraayadaha loo adeegsanayo bey’o buuro ah oo banaan.

“Marka qaab dhismeed miraayadeysan uu wax ku xardho Injineer awood badan iyo qandaraasle taqasus u haysta inuu soosaaro badeeco tayo leh ma jireyso Qatar, marka loo fiiriyo daacadnimada, iyada oo sheyyada isku mid loo eegayo, sida waxyaabaha kale, oo miraayaduhu waxaa u dheeraad ah oo kaliya in ay iskaa horkeenayaan, taasoo ay macquul tahay in ay naxdin keento” ayuu yiri  Adam Holicska, oo ah dadka wax naqshadeeya.

“Isticmaalkeeda miraayadda loo adeegsanayo buuro dushooda, halkaas oo markasta qatarta loo nuglaan karo, wey u banaan tahay qof kasta inuu arrinkaas su’aal ka keeno” ayuu yiri Adam Holicska.

Keith Brownlie oo ay Adam Holicska isku xirfad wada yihiin ayaa intaas ku daray  in miraayad qaawan oo wax kasta looga dhex jeedo ay muhiim tahay in lagu daro wax kale oo gegsi u noqon kara.

“Hal arrin oo ah dhibaatada miyaaradda waa in ay jug uun ku filan tahay” ayuu yiri Keith Brownlie, intaasna waxa uu raaciyay in ay miraayad maskasta tahay sabiibax ama meel lagu sambariiraxyoon kara, waana in loo helaa buu yiri wax in sidaas ay dhacdo ka hortagi kara.7

Weibo oo ka mid ah shacabka Reer Shiinaha ayaa qaba in ay arrintu hadal uun ku ekaan doonto inta aysan dhicin qatar, laakin markastaba xiisaha loo hayo buuraha miraayadaha ka sameysan waa uun halkeedii.

Marwo Li admitted ayaa iyaduna sheegtay in aysan kalaba-labeeneyn in ay booqan doonto buurahaas la miraayadeeyay, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dad kaloo badan oo aan Li admitted ahayn ayaa sidaas oo kale qaba dareenka xiisaha buundada dhexmareysa buuraha gobolada Henan iyo Hunan.

“Waxaan ku kalsoonahay in ay saraakiishu qaadan doonaan tilaabooyin kale oo dheeraad ah haddii ay wax dhacaan’ ayuu yiri Weibo.

“Waa mahad, dhimasho waa laga taxadaray, laakiin shilal xunna wey dhici karaan, taasina maaha in lagula dagaalamo buundadaan cajiibka ah” ayay dadka Shiinuhu sidoo kale la wadaageen suxufiyiinta.

Ugu dambeyn, haddii buundada miraayadaha Shinaha la barbar dhigo buundooyinka kale ee aduunyada, tusaale ahaan, buundada dalka Australia ee ku taala magaalada Sydney ee la yiraa Harbour waxaa gaaray burbur.

Haddii ay sidaas dhacdana waxaa suuragal ah in ay dowladdu xiri doonto buundadaas. Sasdaraadeed, “waa ineynaan ogolaan shilkaas oo kale inuu saameeyo aragtideena ku saabsan inuu Shiinuhu yeesho wax u gaar ah, oo uu kaga duwan yahay caalamka intiisa kale” ayuu yiri suxufiga sheekadaan qoray.

Waxaa turjumay Nuur Cali Faarax

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor