Maroodayaashii Somalia ka qaxay sannadihii 90-aadka oo bilaabay inay dib ugu soo laabtaan Somalia.

Warbixin ay soo saartay Hay’ad lagu magacaabo Badbaadi Maroodiyaasha (Save the Elephants) ayaa daabacday Warbixin Xiiso badan oo ay kaga hadashay inay Ugaartii ka qqaxday Somalia bilowgii sannadkii 90-aadka inay bilaabeen inay ka soo hayaamaan dhulka Kaymaha Kenya, gaar ahaan inta ku teedsan Gobalka Tana River Delta.

Maroodi lab ah oo da’da 30-aadka ku jira oo ku sugnaa Xeebta Gobalka Tana River Dalta ee Kenya ayaa la sheegay inuu bartamihii bishii hore ee Feberaayo safar aan la filaynin ugu soo jiheystay dhinaca Waqooyi ee Somalia, isagoo labo isbuuc kadib soo gaaray Xuduudka.

Maroodigaasi oo lagu naanayso Morgan ayaa ka soo socdaalka Degmadda Laamu ee Kenya, wuxuuna soo lugeeyey 220 kilometres, si uu u soo gaaro xuduudka Somalia, waana markii ugu horreysay ee Maroodi lagu arko Somalia muddo 20-sanno.

Socdaalka Maroodigaasi loogu magac daray Morgan ayaa muujinaysa inuu Maroodigu soo xusuustay Jidadkii hore ee uu ku guureyn jirey, isagoo Somalia ka maqnaa sannooyin badan.

Iain Douglas Hamilton oo ka tirsan Hay’adda Save the Childeran ayaa sheegay inay iska cadahay waxa ku jira Maskaxda Maroodigaas ee ku saabsan halka uu u socdo.

Safarka Maroodigaasi loogu magac daray Morgan waxa uu soo maray dhulal khatar ah, wuuna ka soo badbaaday, iyadoo xuduudka Somalia iyo Kenya haatan u muuqato inay ka yaraatay Khatarta.

Haddii ay Koonfurta Somalia ku soo laabato Nabadda, waxaa la filan karaa inay soo laabtaan Maroodiyaal badan oo masaafuris ku maqan.

Dhinaca kale, Maroodiyaasha Afrika waxaa meel kasta ku cabsi geliya Kooxaha ka ganacsada Foolasha Maroodiga iyo Kooxaha Hubeysan.

Waxaana kordhay Ganacsiga Foolka Maroodiga, iyadoo dalka Shiinaha  halkii Kiilogaram ee Foolka Maroodiga la kala siisto lacag dhan 1,100 Dollar

Ugu yaraan 20,000 oo Maroodi ah ayaa la dilay sannadkii hore, sida lagu sheegay Warbixin ay daabacday Hay’ad Caalami ah oo la socota Ganacsiga Khatarta ah ee lagu hayo Duur-joogta Caalamka.

MAROODI0002 MAROODI 000Xigasho: AFP

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor