Markii ugu horeysay 27 Sano kadib oo Caawa Diyaarad siday Rakaab ka soo degtay Garoonka Aadan-Cadde

Mudo laga joogo 27 Sano wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya waxaa markii ugu horeysay  Caawa xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ka soo degtay Diyaarad Siday dad rakaab ah.

Masuuliyinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay horay u sheegen in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan-Cade.

Xiligaas wixii ka dambeeyay waxaa ka soo degi jiray diyaarado milateri iyo kuwo ay leedahay Shirkadda Bancroft.

Diyaarada Caawa ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Adan-Cadde ayaa waxaa iskaleh shirkada diyaaradaha Juba Airways, taas oo keentay in ku dhow 100 ruux oo u badan Xujeyda Sanadkaan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ula soo wareegi laheyd Maamuliada Hawada soomaaliya iyada oo Garoonka lagu xiray qalabkii lagula socon lahaa