Markabkii xolaha Lo’da ka qaaday dekadda Muqdisho oo ku quusay biyaha dalka Cumaan

Warbixn lagu daabacay Wargeyska Times of Oman, ayaa lagu shegay in uu quusay, Markab siday Lo  kaaso dhawaan ka baxay dekadda Magalada Muqdisho.

Markabka ayaa ku quusay meel udhow xeebaha Ras Al Hadd, oo ka tirsan koonfurta Gobolka Sharqiyah, ee dalka Cuman.

Milkiilayaasha Maraakiibta ayaa qaarkooda sheegay in ay maraakiibtaasi kasoo baxeen dalka Somaliya, iyagoona ku sii jeeday wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta, halka shaqaalaha Maraakiibtana ay badankood udhasheen wadanka Pakistan.

Quusida Markabka ayaa loo sababeynayaa biyo xoogan oo gudaha ugalay.

Ilaa iminka lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay quusida Markabka, mana jirto xubno ka tirsan dowlada Oman oo ka hadlay dhacdadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor