Markabkii Xamuulka ee Hindiya ee la afduubtay oo lagu hayo Deegaanka Ceel-huur ee Hobyo

Hoggaamiye hore oo ka tirsanaa Burcad-baddeeda oo magaciisa ku soo koobay Aw Koombe  ayaa sheegay in Markabkii Xamuulka ee Hindiya  iyo Shaqalihii la socdy  lagu hayo Deegaank Ceel-huur oo u dhow Degmadda Hobyo ee hoos taga Maamul-gobaleedka Galmudug.

Aw Koombe oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inuu wada-xaajood u socdo Burcad-baddeeda iyo Ganacsato fadhigoodu yahay magaalladda Kismaayo, si loo sii daayo Markabkaasi oo lagu mgacaabo Al-kowsar.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ganacsatadda diidan yihiin inay bixiyaan Lacago si loo sii daayo  Markabka iyo Shaqaalihiisa, balse Burcad-baddeeda waxay ku adkaysanayaan in laga siiyo Lacago Madax-furasho ah.

Aw Koombe waxa uu sheegay in labada dhinac weli u socdo Wada-xaajood ku aadan in la sii daayo Markabka iyo 11-ka Shaqaalaha ee la socotay.

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda wax afduubatay ka soo jeedaan Puntland, balse, Aw Koombe oo Reer Puntland ah waxa uu sheegay inay Afduubayaasha ka soo jeedaan Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.

Markabka afduubka loo haysto ayaa la sheegay in laga soo qafaashay xilli uu marayey Jesiiradda Sokhorta ee dalka Yemen, kuna soo wajahnaa Dekedda Bosaaso, sida ay  sheegtay Hay’adda Britain ugu qaabilsan Hawlgalladda Maraakiibta Ganacsiga (UKMTO).

©Radio Dalsan