Markabkii Waday Ku Dhawaad 3kun Oo Qaxooti Soomaaliyeed oo Gaaray Boosaaso

Dekedda Magaalada Boosaaso ayaa la shaaciyay in uu gaaray markabkii dowladda Soomaaliya ay u dirtay inuu soo daabulo qaxootiga soomaaliyeed ee ka soo cararaya dagaalada wadanka yemen.

Markanka ayaa la shaaciyay in ay saaran yihiin ku dhawaad 3 kun oo qaxooti soomaaliyeed.

Qunsulka guud ee safaarada soomaaliya ee yemen Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in dadkaasi oo isugu jira caruur, haween iyo duqow ay ku guuleesteen in ay kasoo saaraan dhibaatada ka sii socota wadanka yemen.

Waa tiradii ugu badneen oo qaxooti soomaaliyeed ay dowladda soomaaliya gacan ka geesatay in laga soo qaado gudaha wadanka ay hareeyeen dagaalada ee yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor