Markabkii Booyadlaha ee la qafaashay oo Goor dhow la sii daayey

Xarunta UK ee La-socodka Hawlgalladda Ganacsiga Badda (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa goor dhow sheegtay in la sii daayey Markabkii Booyadlaha ee shalay laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess Tanker waxaa la sheegay inay Dableydii qafaalatay ay isaga degeen Markabka oo haatan ku sugan Badda Arabian Sea.

Hadalka ka soo baxay Xarunta UK ee La-socodka Maraakiibta Ganacsiga ayaa lagu sheegay inay Gacan ammaan ah ku jiraan dhamaan Badmaaxiinta iyo Markabkaba.

Shalay ayey ahayd, markii ay dabley hubeysan qafaasheen Markabkaasi oo Calanka Panama ku safrayey, iyadoo Markabka loo jiheeyey Xeebaha dalka Iran.

Dowladda Iran wey beenisay inay Afduubkaasi ka dambeysay, balse, Maraykanka, UK iyo Israel waxay Iran dusha ka saareen Afduubka Markabkaasi iyo kuwo kale oo lagu weeraray Gacan-biyoodka Oman.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor