Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu afduubtay Xeebaha Somalia.

Kooxo Burcad-baddeed ayaa la sheegay inay qafaasheen Markabka Al Kaushar, kaasi oo la qafaashay habeen hore, xilli uu ku sii jeeday Dekedda Al-Mukala ee dalka Yemen.

Markabkaasi oo ka yimid magaalladda Dubai, waxaa la socda 11 Shaqaale oo u wada dhashay dalka Hindiya.

Kabtanka Markabka la afduubtay ayaa ku wargeliyey Maamulayaasha Dubai dhacdadaasi iyo inay u gacan galeen Burcad-baddeed hubeysan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay ka war heleen Markabka Hindiya ee lagu qafaashay Xeebaha Somalia, iyadoo Shaqaalaha ka soo jeedaan magaalladda Qaddiimiga ee Mandavi ee Koonfurta magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.

Wargeyska Times Now ee ka soo baxa dalka Hindiya ayaa qoray in Afduubkaasi lagu wargeliyey Maamulka Ciiddanka Badda, si loo qaado Tallaabo si degdeg ah loogu soo badbaadinayo Shaqaalaha Hindida ee la socda Markabka lagu qafaashay Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, Ciiddanka Caalamiga ee Hawlgalka Ilaaladda ka haya Xeebaha Somalia ayaan weli ka hadlin Afduubkan, oo noqonaya kii 2-aad ee wax ka yar hal bil ka dhaca Xeebaha Somalia.

Bartamihii bishii hore ee March waxaa Xeebaha W/bari Somalia lagu qafaashay Markab Booyadle Shidaal oo lagu magacaabo THE ARIS 13, kaasi oo ku sii wajahnaa Dekedda magaalladda Muqdisho.

Markabkaasi ayaa la sii daayey, kadib, markii ay Maamulka Puntland iyo Odaayasha Deegaanka wada-xaajood la galeen Burcad-baddeeda, oo loo ballan qaaday inaan wax Dacwad ah lagu soo oogi doonin.

Tan iyo sannadkii 2012-kii, waxaa aad u yaraaday falalka lagu afduuban jirey  Maraakiibta Ganacsiga ee ka gudba Badda Somalia, inkastoo ay Burcad-baddeeda haatan dib u bilaabeen Hawlgalka ay ku afduubtaan Maraakiibta, si ay uga helaan Lacago madax-furasho ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media