Markab Xamuul iyo shaqaalihii la socday oo la la’ yahay Badweynta Atlantic.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Koonfurta Kuurya ayaa lagu sheegay in xiriirkii lala lahaa Markabkaasi, xilli uu marayey Koonfurta Badweynta Atlantic, meel ku-dhawaad 2,500-KM u jirta Xeebta dalka Uruguay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in  la la’ yahay 22 Shaqaale, kuwaasi oo 8 ka mid u dhasheen dalka Koonfurta Kuurya, halka 14-kalena ka soo jeedaan dalka Filibiin.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP  ayaa sheegtay in la helay 2 Badmaax oo Filibiin ah, kuwaasi oo saarnaa donyaha Badbaadada.

Markabkaasi la la’ yahay ayaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Brazil oo uu ka soo qaaday Shixnad Bir ah, wuxuuna ku soo wajahbnaa dalka shiinaha.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media