Markab Siday Ku Dhawaad 1000 qof oo Soomaali ah oo Soo Gaaray Berbera

Ugu yaraan Markab siday dad gaaraya 1000 qof oo Qaxooti Soomaali ah oo ka soo baxay Dalka Yemen ayaa soo gaaray Dekedda Magaaladda Berbera Ee Somaliland.

Dadkan ayaa ka soo baxay Dalka Yemen waxana ay ka soo carareen Deegaanadda Dagaaladda Culus ay ku dhexmarayaan Kooxaha Xuutiyiinta iyo isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga.

Dhinaca kale Khamiista Maanta waxa la filayaa in Diyaaradii ugu horeysay oo sida Gurmad Bini’aadanimo ay Iran u soo dirto Dalka Jabuuti si loogu sii gudbiyo Dalka Yemen.

Sacuudiga ayaa hore u xanibay isticmaalka Hawadda Dalka Yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor