Markab nooca xambaarsan Nuclear-ka oo Shil galay iyo Khasaaro ka dhashay

15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay “wax aan la aqoonin” xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha.

Maalintii Sabtida ayuu shilkan ku dhacay markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut, naaquudeyaashana waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

Waxa ay mas’uuliyiintu intaas ku dareen inaan ilaa hadda la aqoonin sababta ay ku dhacday arrintan.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor