Markab laga leeyahay Imaaraadka oo soo gaaray Dekada Magaalada Berbera

Dekadda Magaalada Berbera ee deegaanada Maamulka Somaaliland waxaa gaaray Markab sida Shixnad gaar gaar ah kaas oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta sida ay Xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Markaabkaan ayaa sida 1.700 tan oo Shixnad gar gaar ah waxaana ku deeqday Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation,iyadoona Imaaraadka deeqdaan uu ugu talo galay dadka ku nool deegaanada Maamulka Somaaliland gaar ahaan kuwa ay abaartu saameysay.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magalada Berbera ayaa waxa ay Radio Dalsan u sheegeen in Markabkaan uu sido raashinka noocyadiisa kala duwan islamarkaan ay la socdaan Guddigii qeybin lahaa oo u dhashay dalkaasi Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa haatan u muuqata mid sii adkeyneysa xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Somaaliland,waxana ay awood u leeyihiin in ay qaab meleteeri u isticmaalaan,waxana xusid mudan in halkaasi ay ka dhisteen Saldhig kaas oo muran uu ka taagan yahay.