Markab Kalluumeysi oo lagu qabtay Xeebta Kismaayo

Ciiddan ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Hawlgalka AMISOM waxat maanta gacanta ku dhigeen Markab Kalluumeysi oo laga leeyahay Jesiiradda Comoros oo oo ka kalluumeysanayey meel 7 KM u jirta Xeebta Kismaayo.

Dadka Deegaanka iyo Kalluumeysatada Maxaliga  ayaa tilmaamay inuu Markabkaasi maalmihii la soo dhaafay si sharci-darro ah uga jillaabanayey Badda.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland, C/naasir  Seeraar  ayaa xaqiijiyey inay soo qabteen Markabkaasi oo ay la socdaan 9 shaqaale u dhashay Jesiiradda Madagaskar.

Taliyaha Hawlgalka AMISOM ee Jubbooyinka, Kolomel John Kipta ayaa sheegay inay Markabka ka soo qabteen nawaaxiga Xeebta Kismaayo, isla markaana ay dadkii la socday Markabkaasi ku wareejiyeen Maamulka Jubba.

Waxa uu tilmaamay in uu Markabka haatan ku xiran yahay Dekedda Kismaayo.

Tallaabadan ayaa ah markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM iyo Maamulka  Jubbaland ku baaraarugaan inay soo qabtaan Maraakiibta sida sharci-darradda uga kalluumeysanayo Xeebaha Kismaayo, balse waxay ka gaabiyeen inay xayiraan Maraakiibta sida joogtadda Shixnadaha Dhuxusha uga qaada Dekedda Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, waxay xaalladdu u muuqataa indhahayagu waxay qabteen Markabka Kalluumeysiga, si ganaax-lacaageed looga helo.

kismaayo 2 kismaayo 3 kismaayo 5 kismaayo 4 kismaayo 5 kismayo 1 kismaayo 9 kismaayo 9 kismaayo 8 kismaayo 7 kismaayo 6 kismayo 4 kismayo 5

© Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor