Markab Booyadle Shidaal oo laga leeyahay dalka Iiraan oo lagu weeraray Gacan-biyoodka Cadmeed

Markab dagaal oo ay leeyihiin MarIiniska dalka Jamhuuriyadda Islaama Iiraan ayaa waxay badbaadiyeen mid ka mid ah Maraakiibtooda Shidaalka oo ay Burcad-baddeed Soomaali ah maanta ku weerareen Marin baddeedka Baabul-mandab oo u dhexeeya Gacanka Carbeed iyo Xeebaha W/bari ee dalka Soomaaliya.

Shabakadda Wararka Iiraan ee tasnimnews.com ayaa baahisay inay Burcad-baddeed Somali la socotay 6 doonyaha dheereeya ay weerar ku qaadeen Markab laga leeyahau Iiraan, balse ay Burcad-baddeeda ku hungoobeen inay gacanta ku dhigaan Markabkaasi.

Hadal maanta ka soo baxay Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciiddanka Badda Iiraan ayaa lagu sheegay inay Maraakiibta Dagaalka Iiraan ee ku sugan Xeebaha Somalia ay u gurmadeen Markabka, isla markaana ay ka waabiyeen Burcad-baddeeda oo iyagu dhowr gantaalladda nooca Garabka laga tuuro ku ganay Markabka Shidaalka waday.

Wararku waxay sheegayaan inay Kooxihii
Burcad-baddeeda baxsadeen, kadib, markii ay dagaal socday muddo dhowr saacadood la galeen Mariniska Iiraaniyiinta ee u soo gurmaday Markabka Booyadlaha Shidaalka.

Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Ciiddanka Iiraan oo ku hubaysan Raxan Maraakiibta dagaalka ayaa ku sugnaa Xeebaha dalka Somalia tan iyo bishii November ee sannadkii 2008-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor