Mario Balotelli oo ku durduriyey Xulka Sacuudiga

Xulalka labadaasi Waddan waxay xalay Ciyaar Saxaiibtinimo ku dhex martay Garoonka Kybunpark Stadium ee dalka Switzerland.

Ciyaar-yahanka Mario Balotelli ayaana goolkii 1-aad daqiiqadii 1-aad ku daah-furay, iyadoo Kooxda Azzurri ay Sacuudiga ku legdeen 2 gool iyo hal gool.

Mario Balotelli oo markii ugu dambaysay xulka Talyaaniga u ciyaaray Koobkii Adduunka ee sannadkii 2014-kii ayaa xalay soo bandhigay Ciyaar xirfadaysan, wuxuuna daqiiqadii 69-aad uu Goolkii 2-aad ka dhaliyey Xulka Sacuudiga.

Mario Balotelli oo 27-jir ah waxa Garoonka laga saaray intaysan ciyaarta dhamaanin, kadib, markii uu muruqa xanuunay.

Xulka Sacuudiga waxaa goolka keliya ee ay dhaliyeen u saxiixay Ciyaartoygooda Yaxya Al-shehri.

Mario Balotelli oo 4 sanno ka hor Xulka Talyaaniga uga qeyb galay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalak Brazil waxaa mar kale u yeeray Tababaraha Xulka K/cagta Talyaaniga, in Roberto Mancini oo mar Maareeye u ahaa Kooxda Manchester City.

 

Tababare Roberto Mancini  ayaa sheegay inuu Mario Balotelli nafta ku soo celiyey Kooxda AZZURRI, kadib, markii uu dhaliyey 2-dii gool ee ay ugu itaal sheegteen Xulka Sacuudiga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media