Mareyknka oo balaayiin Dollar ugu maara waayay xoojinta ciidamada dalalka dibada ka howgala oo ay soomaaliya ku jirto

Kumanaan kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ee ka howlgala wadamada Bariga Dhexe, waqooyga Afrika, koonfurta Asiya, iyo qeybo kamid ah bariga wadamada Afrika sida Soomaaliya oo kale, kuwaasoo bixiya tababaro dhinaca ciidamada, waxana dowlada Mareykanka kaga baxa Balaayiin doolar, sida lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka.

Tusaale ahaan wasaarada Pentangon-ka Mareykanka, ayaa waxaa ay tababaro toos ah ay ku bixisaa Gobolka Anbar ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay ku tababarto ciidamo Boolis iyo militari isugu jira waxaa kaga baxa lacag fooqul caqli ah, waxana wali jira weeraro ay kooxaha dalkaasi ay qaadaan, waxaana u dambeeyay weerar ka dhacay baqdaad oo labaatameeyo ay ku geeriyoodeen.

Wasaarada difaaca dalkaasi, ayaa sheegtay in $500 million ay ku baxdo tababaradaasi.

Sidoo kale $1 billion lacag gaareysa, ayaa dowlada Mareykanka, kaga baxday istiratiijiyada guud ee dhinaca howgalada soomaaliya, hada waxaa jira weeraro ay Al Shabab xiliyada qaar ay ka geystaan gudaha soomaaliya, gaar ahaan magaalada muqdishu, iyo wadamada deriska la ah sida Kenya oo ay weeraro xoogan ay ka jaamacada Garis iyo xaruuntii Ganacsi ee Westgate, iyadoo soomaaliya ay sidoo kale joogaan ciidamo tira ahaan gaaraya 22 kun oo askeri oo ka socda qaar kamid ah dowladaha Gobolka.

John E. McLaughlin,  oo ah Agaasime ku xigeenkii hore ee hey’adda  C.I.A. balse iminka ka tirsan Johns Hopkins School oo u ololeeya caruurta, ayaa sheegay in dadaalada Mareykanka ee tababarida ciraaq laga yaabo in ay xal u noqon karto marka la mideeyo shiicada iyo suniga dalkaasi, isagoona dhinaca kale sheegay wadan kasota loogu baahanyahay labada qole ee isheysata la mideeyo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor