Mareykanka oo xaqiijiyay in duqeyn uu ku dilay 12 ka tirsan Al Shabab

Saraakiil ka tirsan wasaarada gaashandhigga Mareykanka oo aan magacyadooda la shaacin ayaa u xaqiijiyay VOA in Mareykanka uu duqeyn la eegtay xero Al Shabab ay ku leeyihiin deegaanka Yontoy oo 20 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Duqeynta ayaa dhacday Maanta oo Talaado ahayd iyo Isniintii shalay sida laga soo xigtay Saraakiisha wasaarada gaashandhigga Mareykanka.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen in duqeynta ay dhacday balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ay geysatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor